Fariin Caafimaad

🩺 Nagu Saabsan – Fariin Caafimaad

Ku soo dhawoow Fariin Caafimaad, waa madal caafimaad-dhawr iyo wacyigelin ah oo u heellan kor u qaadidda aqoonta caafimaadka ee bulshada Soomaaliyeed, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo halista isticmaalka aan habboonayn ee dawooyinka.

Waxaan aaminsanahay in caafimaadku yahay xuquuq qof walba uu leeyahay. Sidaa darteed, waxaan si hagar la’aan ah uga shaqeynaa sidii bulshada loogu gudbin lahaa xog caafimaad oo la isku halleyn karo, talooyin xirfadeed, iyo wacyigelin ka dhan ah:

  • Isticmaalka dawooyinka aan dhakhtar qorin
  • Qas-qaska kareemada caddaynta iyo waxyeellada ay keeni karaan
  • Cudurrada faafa iyo sida looga hortago

Waxaan ku dadaaleynaa in fariinteennu gaarto qof walba — ha ahaado gudaha Soomaaliya ama dibadda — si looga hortago caafimaad-darro la iska indha tiro.


🎯 Hadafkeenna

Inaan bulshada siino fariimo wacyigelin caafimaad ah oo cilmiyeysan, si loo dhiso jiil leh faham caafimaad oo qoto dheer, kuna dhaqma talooyinka xirfadlayaasha.


📞 Nala Soo Xiriir:


Fariin Caafimaad — Wacyigelin Badbaadinaysa Nolosha.